Sidee ayaynu ugala hadli kartaa xaaladda coronavirus carruurta?

Coronavirus waa mawduuc kaasi oo wakhtigan la xiriira carruurta iyo dhallinyarta ugu dhawaan da’da kasta. Si joogto ah ayuu ugu jiraa warbaahinta iyo hadalada saaxiibada iyo xubnaha qoyska. Marka la eego wixii aynnu ka maqalnay khadka tooska ah iyo sheekada Carruurta iyo Dhallinyarta ee MLL, carruurta iyo dhallinartu si firfircoon ayey ula socdaan warbaahinta, qaarna waxa walaac ku abuura waxay maqlayaan. Hadda waxaynu u baahanahay waalidiinta iyo dadka kale ee waawayn ee ka agdhaw inay noqdaan qaar wax ka qabta wararka walaaca abuuraya iyo dareemista ammaan darrada ee ay keentay kala fogaanta dadku.

Sidee ayeynu ugala hadli karnaa xaaladda heer da’ ahaan ku habboon?

Waxa muhiim ah inaynu kala hadalno waxyaalaha ka dhex guuxaya, dareenada iyo walaacyada ay ku keentay xaaladda adagi carruurta iyo dhallinyarta. Haddii ilme uu u muuqdo mid warwarsan, waxaad si toos ah u waydiin kartaa waxa ka dhex guuxaya iyo cabsida uu qabo. Mararka qaar cabsida ilmuhu ama qofka dhallinyarta ah uu qabo aad ayey runta uga fog yihiin waxaana lagu yarayn karaa inaad karto inaad si deggan ugala hadasho bii’ad ammaan ah. Waalidku waa inuu degganaado inta hadalku socdo. Haddii adiga laftaadu aad warwar ka qabto xaaladda, waa inaad isku daydo inuu kaa baabiiyo warwarkaaga qof kale oo wayni marka hore si aadan markaa ugu gudbin dareenkaaga ilmaha.

Tilmaamo badan waxay ku talinayaan inaad ugala hadasho ilmaha qaab heerka da’diisu ku habboon. Waxa tani sida runta ay ka dhigan tahay waxa lagaga tagaa muhmal.  Heerka da’da ee ilmaha waxa lagu ogaan karaa inaad waydiiso ilmaha su’aalo kusaabsan waxa ka dhex guuxaya iyo waayo-aragnimadiisa. Inaad xisaabta ku darsato heerka da’da ee ilmuhu waxay ka dhigan tahay isticmaalidda erayada iyo nuxurada uu ilmuhu sida fiican u yaqaano. Sidoo kale waa inaad hubiso in ilmuhu fahmay waxa aad dhahday. Waa inaad waydiin karto ilmahaaga inuu ku sharaxo erayadiisa sida uu u fahmay waxa aad u sheegtay, tusaale ahaan.

Carruurta yaryar waxay uga fekeraan arrinka heerkooda koboca iyagoo u maraya ciyaar iyo kaftan, tusaale ahaan. Ilmaha waa in loo oggolaado inay tan sameeyo. Buuxinta ilme ama qof dhallinyar ah heerka da’da ee habboon waxay ka dhigan tahay fahmidda in ilmuhu uu uga fekero arrimaha isagoo adeegsanaya hab uu garanayo. Hase yeeshee, waa inaad had iyo jeer la socoto ciyaarta ilmahaaga sababtoo ah waxa dhici karta inay ka soo jeeddo cabsi iyo walaac dhab ah.

Xisaabta ku darso shakhsiyadda ilmahaaga

Carruurta qaar aad ayey u dareen nugul yihiin waxayna ka bixiyaan falcelinno xooggan dhacdooyinka deegaankooda waxaana dhici karta inay u baahan yihiin dajin badan iyo sheeko deggan. Waxa dhici karta in ilmuhu uu ka haysto aragtiyo aan run ahayn dhakhsaha uu cudurku ku faafo iyo waxa ku dhaca marka uu qof ku dhaco. Waxa muhiim ah ogaanshaha waxa runtii ka cabsiinaya ama walaac galinaya ilmaha. Waalid ahaan waa inaad ku dadaasho inaad wax ka qabato cabsidan. La hadal ilmaha oo u caddee inay yar tahay in cudurku si gaar ah isaga ugu dhaco, xiitaa haddii ay tani dhacdo, in wax laga qaban karo.

Carruur kale waxa dhici karta inayna si xamaasadaysan uga jawaabin dhacdooyinka aan sida gaarka iyaga u khusayn. Waa inaadan ka doonin jawaabtan oo kale ilmahaaga ama aadan ka walaacin haddii ilmahaagu uu ka warwari waayo dhacdooyinka. Haddii ilme aanu ka hadlayn arrinka ama ka walaacaynin, waa inaadan uga dhigin wax uu ka walaaco. Waa shaqo u taalla waalidiinta inay hubiyaan in carruurtoodu raacaan tilmaamaha la xiriira fayodhawrka iyo socsocdka, laakiin ma jirto sabab carruurta warwar loo galiyaa.

Carruurta soo martay wakhtiyo adag waxay u baahan yihiin daryeel dheeraad ah

Carruurta iyo dhallinyarta waayo-aragnimo adag soo maray ama dabci ahaan warwarsan waxa dhici karta inay aad u saxiiraan xiitaa marka la eego dhacdooyinka aan iyaga toos u khusayn. Waxay u baahan yihiin la joogitaanka iyo hadalka dejinta ah ee gaar ahaan qof qaraabo dhaw ah.  Carruurta iyo dhallinyarta halista ugu jira cudurka waxa sidoo kale dhici karta inay aad u walaacaan. Joogtaynta hadal dejin ah iyo in qofku walaaciisa qof kale oo wayn la kaashado waxay ka caawin kartaa dhallinyarta inay wax ka qabtaan warwarkooda. Haddii ilme ama qof dhallinyar ah uu muujiyo calaamado warwar oo xooggan oo uu maalmo sidaas ahaado, waa inaad talo waydiiso qof xirfadle ah (tusaale, kaaliyaha caafimaadka ama dhakhtarka cilmi-nafsiga dugsiga) oo aad u heshaan siyaabo aad ku wada xallisaan xaaladda.

Kala hadal sida caabuqa looga hortagi karo loona daawayn karo

​Waa inaad u sheegto ilmahaaga sida caabuqa looga hortagi karo. Tus sida si fiican gacmaha loogu dhaqo iyo sida ay ugu hindhisayaan uguna qufacayaan suxulkooda halkii qaybta hore ee gacanta. Ficillo cadcad waxay siiyaan dareen degganaansho. Hase yeeshee, waa in qofku carrabka ku adkeeyo inayna khatar ahayn haddii ilmuhu illaawo inuu gacmaha dhaqo markasta. Sidoo kale waa inaad kala hadasho sida dadka badankooda uu ku dhacay xanuunku uu xanuunkoodu iska fududaa ee ay markii dambana iska bogsadeen, iyo in carruurtu ay u muuqdaan qaar aanu karaynayn coronavirus.

Waa inaad u sheegto ilmaha inuu ogaado in ujeedada xannibaadaha badan ee nolosha caadiga ah la saaray ay tahay in laga hortago in fayrasku faafo. Joogista gurigu, waxay ilaalinaysaa dadka kale, gaar ahaan kooxaha khatarta badan ugu jira, sida dadka waayeelka ah. Waa inaad carrabka ku adkayso in xaaladdu ay tahay mid kumeel gaar ah iyo inaynu awoodi doono in maalin uun aynu nolosha caadigii ku soo celin doonno. Kala hadal sida dadka muddakarka ah ay sida aadka ah uga shaqaynayaan si ay meesha uga saaraan coronavirus iyo in daawooyin iyo tallaal si joogto ah loo soo saarayo adduunka oo dhan.

Kala hadal isbaddalada nolol maalmeedka

Kala hadal sida aad wakhti badan oo sidii hore ka badan guriga ugula qaadan doonto qoyskaaga.  Carruurta iyo dhallinyartu shaki la’aan way ka cadhoon inay awoodi waayaan inay dugsiga ama hiwaayadahooga aadaan ama ay booqdaan saaxiibada ama ayeeydood/awoowgood. Xasuusi in xaaladdu kaliya tahay kumeel gaar iyo inaad wadajir uga bixi doontaan. Kala hadal sida maalmahaaga loo muddayn doono loona abaabuli doono. Jadwalka maalinlaha ah waxa uu la mid ahaan waxa carruurta iyo dadka muddadkarka ee qoyskaagu ay la qabsadeen xaaladaha caadiga ah. Kala hadal carruurtaada sida aad ula xiriiri doonto saaxiibada, ayeeydaa/awoowgaa iyo qaraabada kale adigoo adeegsanaya tusaale ahaan, Internetka ama taleefan.

U yara naxariista nafihiina: fikradda muhiimka ah waa in nolosha maalinlaha ah ee aasaasiga ah ay sii socon doonto. Fayoqabka iyo ammaanka carruurtu waa mudnaanta koowaad. La xiriir dugsiga ilmahaaga haddii u baahan tahay caawimo shaqada gurigooda. Inaad bannaanka iska soo daadaawato kalidaa ama adigoo qoyska la socda sidoo kale waxay yarayn kartaa warwarka.

Ka fogow la socodka warbaahinta ee faraha badan

​Ilmaha ama qofka dhallinyarta ah sidoo kale waxa dhici karta inuu warwaro haddii uu arko in dadka muddakarka ah ay si joogto ah ugala socdaan coronavirus warbaahinta ama ay mar kasta kala hadlaan dadka kale. Waxaad ku ilaalin kartaa ilmahaaga inaadan la daawan warka iyaga. Sidoo kale waa inaad ka fekerto sida isticmaalka warbaahintu uu wax ugu taro fayoqabkaaga.

Kalidaa ha xarbiyin, caawimo raadso

Joogista guriga ee maalinta oo dhan waxay mararka qaar noqon kartaa dhibaato. Waxaad ka raadsan kartaa caawimo ururro badan adeegyo badan oo dawladaha hoose bixiyaana wali waa diyaar. Si toos ah u waydiiso caawimo jaarka ama dadka kale haddii aadan tagi karin tukaanka ama farmasiga.

Vastaa

Sähköpostiosoitettasi ei julkaista. Pakolliset kentät on merkitty *

Huomioithan, että kommenttisi julkaistaan tarkistuksen jälkeen.