Siirry sisältöön

Sida caruurta iyo dhalinyarada loogala hadlo waxyaabaha ku saabsan dagaalka - somaliksi

Dagaalka ka socda Ukrayn wuxuu welwel u keenayaa caruurta iyo sidoo kale dadka waaweyn. Khadka teleefoonka Caawinta Degdegga ah ee loogu tala galay Caruurta iyo Dhalinyarada ee MLCW waxaa soo gaarayay wicitaano iyo xiriiro ka imaanayay caruurta iyo da’yarta kuwaas oo uu cabsi galiyay dagaalku. In badan oo ayaga kamid ah waxaa soo gaaray muuqaalo naxdin leh oo ku saabsan dhibaneyaasha dagaalka ayaka oo ka arkay wararka amase baraha bulshada. Waxay ka cabsanayaan in ay dhici karto in dagaalku kusoo fido Finland sidoo kale. Qaar kamid ah waalidiinta dadkaan yaryar ayaa sidoo kale aad uga digtoon xaaladda sidoo kale. Caruurta iyo da’yarta ma ahan in lagu cidleeyo cabsida ay qabaan. Waxaa sidoo kale nala soo xiriiray tiro caruur iyo da’yarba ah kuwaas oo asalkoodu yahay Ruush, kuwaas oo lala beegsaday xadgudub iyo hayb-sooc dagaalka awgiis. Waa muhiim in caruurta iyo da’yarta lagala hadlo dagaalka, marka ay joogaan guriga iyo dugsigaba. Waxaa sidoo kale loo baahan karaa in lagula doodo xataa marka ay joogaan xarumaha daryeeka, inkasta oo ay wanaagsan tahay in caruurta yaryar laga ilaaliyo waxyaabaha dagaalka ku lugta leh. Waalidiinta iyo dadka kale ee xiriirka dhow la leh caruurta, ayaa hadda loo baahan yahay si ay gacan uga gaystaan abuurista badqab iyo rajo. Marka la eego halkaan, MLCW waxay isu keentay habraacyo loogu tala galay sida loola tacaamulayo arimaha khuseeya dagaalka marka lala hadlayo caruurta ama da’yarta. Habraacyada waxaa loo tarjumi doonaa toban luuqadood, waxaana lagu daabici doonaa websaytka yaga marka ugu horeysa ee la soo tarjumo.

Kahor inta aadan la hadlin canugga amase da’yarka, isku day in aad xasiliso dareenkaaga, maadaama shucuurtu ay fidi karto.

Waxaad weydiin kartaa canuggaaga waxa uu ka maqlay amase ka arkay dagaalka ka socda Ukrayn, iyo sida uu u faham san yahay ama ay u fahamsan tahay xaaladda. Dhegayso oo u dhuglahow dhammaan aaraa’da iyo dareenada canuggaaga. Canug kasta waa uu ka duwan yahay kan kale wuxuuna u wajahayaa waxyaabaha si ka duwan kan kale. Maskaxda ku hay in mar kasta aysan caruurta u fududayn in ay hadal ku soo gudbiyaan waxa ay dareemayaan. Muhiim ma noqon doono in canuggu noqdo mid faham ka haysta ama ereyo uu ku qeexo welwelkiisa/keeda. Caruurtu inta badan awood uma lahan in ay u taxliiliyaan ayna fikrado uga soo saaraan waxa ay maqlaan ama ay arkaan qaabka ay dadka waaweyn u sameeyaan oo kale. Sii canuggaaga wakhti iyo fursad uu uga hadlo waxyaabaha uu arko ama ay arkayso, asaga oo isticmaalaya ereyadiisa/ereyadeeda, diyaarna u noqo in aad dhegaysato.

Ugu sheeg canuggaaga waxa aad ka ogtahay dagaalka Ukrayn ka socda qaab da’ ahaan maskaxdiisa/deeda gali kara. ​In heerka da’da canugga lagu xisaabtamo waxay la micno tahay in lagula hadlo ereyo iyo mowduucyo canuggu yaqaano. Sidoo kale waxaa fikrad wanaagsan ah in mar labaad la hubiyo si loo xaqiijiyo in canuggaagu fahmo waxa aad u sheegtay. Tusaale ahaan, waxaad canuggaaga weydiin kartaa in uu kuu sheego, asaga oo isticmaalaya ereyadiisa ama ereyadeeda, sida uu u fahamay ama ay u fahamtay waxa dadka waaweyn ay ka hadlayeen. Sii canuggaaga wakhti iyo fursado uu su’aalo kugu weydiiyo.

Su’aalaha uu canuggu ku weydiinayo ayaa kuu sheegi doona qaabka uu u fahamsan yahay/ay u fahamsan tahay waxyaabaha dhacaya; waxay noqan kartaa fikrad wanaagsan in su’aalaha looga jawaabo qaabka fahamka dhexdiisa sidoo kale. Marka aad jawaabaha bixinayso, waa in aad ahaataa mid daacad ah si koobanna aad u faahfaahisaa xaqiiqooyinka jira. Hadba sida canuggaagu u yaryahay, ayaad u isticmaalaysaa heer guud mar ah marka aad faahfaahinayso waxyaabaha socda. Waxaad canuggaag u sheegi kartaa in arintaanu tahay iskudhac lab awaddan u dhexeeya, kaasoo kale ku adag in dadka waaweyn ay fahmaan. Marka la eego caruurta waaweyn, waxaad in badan ka hadli kartaa waxyaabaha asalka u ah xaaladda. Da’yartu waxaa laga yaabaa in ay aqoon badan u baahdaan; xaaladaha noocaas ah, waxaa muhiim ah iin laga caawiyo in ay fahmaan waxa xaaladdanu ku saabsan tahay.

Isku day in aad ka fogaato in aad cabsidaada u gudbiso canuggaaga. Canuggu si degdeg ah ayuu u dareemi karaa marka qofka weeyn uu wax ka welwelsan yahay. Kaliya la hadal canuggaaga marka aad marka hore kala tacaamusho dareenkaaga dadka waaweyn ee kale. Waxaad u sheegi kartaa in aad xaaladda ka welwelsan tahay, laakiin dadkeena joooga Finland aysan qabin wax ay ka welwelaan. Ka caawi in canuggaagu qaato uuna fahmo in xaaladaha wararka lagu soo tabinayo aysan khatar ku ahayn asaga/ayada. Canuggu muhiim ma ahan in uu fahmo masaafada arintaanu khusayso, amase waxyaabaha asalka u ah qalalaasahaan, waxaana dhici karta in uu bilaabo/ay bilowdo xaalado aad u xunxun. U caddee in hogaamiyeyaasha dhowr waddan ay hadda xal u raadinayaan xaaladda.

Qaar kamid ah caruurta iyo da’yartu si xooggan ayay u falceliyaan, ayaka oo ka muujinaya dareen xoooggan, dhammaan waxyaabaha ka dhacaya harerahooda, waxayna u baahan karaan in aad loogala hadlo sidii ay isu dajin lahaayeen. Waa muhiim in la kala saaro waxa sida dhabta ah uu canuggaagu uga cabsanayo iyo waxa welwel galinaya asaga/ayada, kaddibna aad isku daydo in aad welwelka ka saarto. Sidoo kale waa arin caadi ah in canuggu uusan wax falcelin yeelan taasoo ku aaddan xaaladda. Qaar kamid ah caruurta iyo da’yartu waxay xaaladda ku wajahayaan qaab la yaab leh, tusaale wey ku kaftamayaa. Caruurta iyo da’yartu waxay xaq u leeyihiin in ay siday rabaan uga falceliyaan, qaab iskood ah.

Waxaa sidoo kale jira xaalado caruurta ama da’yartu ay aad uga welwelaan si iskiis ama iskeed ah taasoo qaadanaysa dareenkiisa/dareenkeeda oo dhan.

Dagaalka, iyo wararka ku saabsan waxay noqon karaan kuwo niyadjab u keena caruurta iyo da’yarta kuwaas oo wajahay dagaalka ama kuwa qaraabadoodu joogto Ukrayn. U xaqiiji in canuggagau yahay mid badqaba, iyo in dadaal lagu bixiyay sidii loo xaqiijin lahaa in kaalmo la gaarsiiyo dadka khattarta kujira. U sharrax in Finland iyo wadamo kale ay qaabilayaan qaxoontida ree Ukrayn ayna siinayaan difaac. Dagaalku wuxuu welwel kaasoo kale ah ku hayaa caruurta iyo da’yarta asalkoodu yahay Ruushka; waxaa xataa dhici karta in ay dareemaan waji gabax iyo danbiilenimo ka dahalata waxa socda. Waa muhiim in aad caruurtaan iyo da’yartaan u caddayso in xaaladda hadda jirta aysan ayaka khusayn. Waxay xaq u leeyihiin in ay ku faanaan asalkooda iyo faracooda. In qofna uusan xaq u lahay in uu ku xadgudbo ama uu ku sameeyo hayb-sooc ayaka ka dhan aah ayada oo loo sababaynayo dagaalka, ama sabab kaleba. U sheeg in ay kusoo ogaysiiyaan marka wax sidaa oo kale ah ay ku dhacaan, haddii ay dhacdana, la xiriir dugsiga ama maamulka.

U caddee in mas’uuliyadda bilaabidda dagaalka ay mar wal qaadanayaan hogaamiyeyaasha waddan, laakiinse aysan ahayn dadka. Labaduba dadyowga Ukrayn iyo Ruushkuba waxay la dhibtoonayaan dagaalkaan. Kala hadal sida ay u jiraan caruur iyo da’yar asalkoodu yahay Ruush kuwaas oo ku nool Finland, sidoo kale, ayna waajib tahay in loola dhaqmo qaab naxariis leh oo laimd ah kan kuwa kale. Qofna laguma xadgudbi karo lamana hayb-sooci karo ayada oo sabab looga dhigayo asalkiisa. Caruurtaan iyo waalidkood midna ma lahan mas’uuliyadda dagaalka. Weydii in canuggaagu goobjoog u ahaa wax xadgudub ah ama hayb-sooc oo lala beegsanayo dadka asalkoodu Ruushka yahay, haddii ay sidaasi dhacdayna, in qof soo dhexgalay iyo in kale. Ku dhiirigali in canuggaagu qof walba ula dhaqmo si siman.  Ha u gudbin wax aragti ama shucuur aan wanaagsanayn ah oo aad leedahay canuggaaga – taa badalkeeda, kala tacamul dareenadaan dadka kale ee waaweyn, marka uusan cauggaagu joogin.

Haddii aad dareento in canuggaagu ka cabsanayo waxa uu ka arko/aragto wararka, baraha bulshada ama warbaahinta, xaqiiji in asaga/ayada uu joojiyo daawashada. Niyadda u daji canuggaaga islamarkaba, adiga oo (tusaale ahaan) gacmaha ku qaadaya asaga/ayada, laabta galinaya, tusayana in asaga/ayadu uu kujiro xaalad ammaan ah. U sharrax canuggaaga, qaab da’ ahaan ku haboon, waxa wararku ku saabsan yihiin. Ahow mid degen. Xataa canugga yar ayaa fahmi kara marka waalidkiis/waalidkeed uu murugaysan yahay ama uusan faraxsanayn, ayada oo aan loo eegayn waxa waalidku sheegayo. Haddii waalidku awood u yeesho in uu canuggiisa/canuggeeda u gudbiyo dareen badqab, tani waxay canugga siin doontaa in uu dareemo niyad wanaag, xataa haddii baqdintiisu/teedu aysan guud ahaan ka tagin. Haddii adiga naftaada ay kaa yaabiyaan ama ay ku niyadjabiyaan muuqaalada canuggaagu arkay, waxaa fikrad wanaagsan ah in aad dib u dhigto kala sheejkaysiga aadna ka fakarto in mid kamid ah caruurta qaraabadaadu u noqon karo meel uu ammaan ka helo/ka hesho.

U sharrax canuggaaga in ay wanaagsan tahay in uu xaddido isticmaalkiisa/keeda baraha bulshada si aad uga ilaaliso asaga-/naftaada aragtida waxyaabaha aan wanaaagsanayn. Wararka laga soo daayo baraha bulshada waa kuwo dabiiciyan la yaab leh, oo loogu tala galay in dadka looga yaabiyo. Inta badan kama yimaadaan ilo la isku halayn karo – muuqaalada qaar waxay ka imaan karaan warar waa hore ah, amase xataa waxaa laga soo qaatay cayaaraha muuqaalka ah. Waxaan kuu soo jeedinaynaa in aad ka fogaato la socoshada wararka amase warbaahinta kale ayada oo canuggaagu kula joogo. Hadba sida canuggaagu u ayryahay, waxaa sii badanaysa sababta ay tahay in aad uga ilaaliso asaga/ayada waxyaabaha wararka qalalaasaha ah. Ha ku daawan hana uga hadlin wararka meesha/goorta uu canuggaagu kaa maqli karo. Marka la eego da’yarta, waxay noqon kartaa mid adag in laga xaddido isticmaalka baraha bulshada, laakiin waxaa fikrad wanaagsan ah in aad kala hadasho saamaynada aan wanaagsanayn ee ay warbaahintu u keeni karto, sidoo kale, maskaxdaada ay u keeni karto.

Waxaa fikrad wanaagsan ah in aad canuggaaga la yeelato wadasheekaysi kale haddii uu u muuqdo/muuqato mid welwelsan ama niyadjabsan, amase haddii dagaalku kusii socdo in uu saameeyo riyooyinkiisa/keeda, hadalka, howlaha cayaarta, iyo wax sawiridda. Caruurta waaweyn waxay ka sheekaysanayaan dhacdooyinka saamaynta leh, sidoo kale, sheekooyinka canuggu ka maqlayo caruurta kalena waxay kordhin karaan welwelkiisa/keeda. Sababtaan darteed, waxaa lagula talinayaa in aad la socoto dareenka canuggaaga iyo hadalkiisa, aadna siiso asaga/ayada fursad uu uga hadlo xaaladda hadda jirta. Haddii canuggaagu amase da’yarkaagu muujiyo astaamo waaweyn oo welwel ah kuwaas oo aan ka baxayn dhowr maalmood kaddib, waxaad talo weydiisan kartaa xirfadle (sida kalkaaliso) waxaadna isla eegi kartaan, si wadajir ah, waxa xaaladda laga qaban karo.

U cadee in, xataa ayada oo xaalado welwel leh lagu soo bandhigay wararka, ay haddana jiraan dad waaweyn oo fara badan kuwaas oo yaqaana sida loo xaliyo xaaladda xataa marka aad hadlayso. Sidoo kale u caddee in sii socoshada dagaalku aysan cidna faa’iido ugu jirin. U sharrax in, inkasta oo wax kasta, caddadka dagaalada dunida ka dhacaya ay yaraadeen, wanaagga dadku ay korodheen, iyo in shaqo laga qabtay si loo xaqiijiyo in arimuhu sidaan ku socdaan. Abuur jawi nabdoon, siina wad qorshahaaga maalinlaha ah. Garab istaag canuggaaga. Caruurta iyo da’yartu waa in ay isla joogaan oo wax isla qabtaan. Waxaad cayaari kartaan cayaaro, waxaad akhrin kartaan buugaag, banaanka ayaad wakhti ku qaadan kartaan, waxyaabo ayaad isla diyaarin kartaan, iyo intaa kasii badanba.

Waa fikrad wanaagsan in aad yarayso qaadashada wararka iyo baraha bulshada haddii ay kuu keeayaan cabsi iyo welwel fara badan. La wadaag aragtiyadaada iyo welwelkaaga dadka kale ee waaweyn. Ka taxaddar naftaada, sii wado waxyaabaha aad danayso; samee waxyaabaha aad ku raaxaysato. Samaynta waxyaabaha, iyo in aad jir ahaan aad noqoto mid firfircoon, aadna dareenkaaga u weeciso howlahaaga maalinlaha ah, waxay kaa yaraynayaan welwelka. Raadso kaalmo haddii aad u aragto in aadan xammili karin. Caawintu waa mid caruurta diyaar u ah, sida da’yarta iyo waalidiinta oo kale.

MLL waxay bixisaa khad teleefoon oo wadasheekaysi oo loogu tala galay caruurta, da’yarta iyo dadka waaweyn.

Khadka teleefoonka caawinta Caruurta iyo Dhalinyarada ee MLL wuxuu bixiyaa adeeg teleefoon, wadasheekaysi ama waraaq ah

Adeeg teleefoon, wadasheekaysi iyo waraaq ah oo loogu tala galay dadka waaweyn

Takaisin ylös